AMISOM: Calooshood-u-shaqeysatadda oo xasuuq ka gaystey Bakaaraha.

MUQDISHO SOOMAALIYA: 15 ruux ayaa ku geeriyootay 80 kalana waa ay ku dhaawacmeen Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey kadib Madaafiic ay Ciidamada Calooshood-Ushaqeystayaasha Afrikaanka ahi ay ku garaaceen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Waxana Madaafiicda Afrikaanku ay ku gaaraaceen Suuqa Bakaaraha ay la beegsadeen Xilligii uu Suuqu ugu saxmadda badnaa. Sii akhri

HADAFKA GUMEYSTAHA: ee ku wajahan Ummadda/Qaranimada Soomaaliyeed.

Ma ogtahay in gumeysiga ama cadowga Soomaaliyeed uu marwalba diidan yahay Ummadnimada ama Qaranimada Soomaaliyeed ?.

Gumeystaha ama Cadowgeenu wuxuu doonayaa inaan habka Qabiil-Qabiilka 4.5 ku noolaano si uu u xaqiijiyo inay Qaranimadii Soomaaliyeed mardambe dib u soo noqon!, Maadaama ay maanta dadka Soomaaliyeed dhibaato iyo dagaalo daba-dheeradey la ildaran yihiin, ayna u baahan yihiin kaalmo shisheeye intooda badan ma oga in cadowgoodu ku soo dhuunto hay’addaha la baxay Samo-falka ama Qaramadda Midoobay. Sii akhri